Kolonyo ciidamo AMISOM ah oo lagu weeraray degmada Balcad

أخبار الصومال

اليمن العربي

Wararka ka imanaya degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo AMISOM ah lagu weeraray deegaanka Garas-Deelle oo qiyaastii 3km dhinaca Koofur ka xiga degmada Balcad.

Weerarkan oo isugu jirey mid miino ah iyo weerar toos ah ayaa la sheegay in lagu gubay baabuur nooca dagaalka ah oo ay wateen ciidamada AMISOM iyadoo uu ka dhashay dagaalkan qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Deegaanka uu weerarkan ka dhacay ayaa ahaa meel aysan hore uga dhici jirin dagaalada waxaana uu weerarkan imanaya xilli shalay lagu diley qarax miino mas’uul ka tirsan maamulka gobolka Sh/dhexe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in uu jiro howlgalo ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ay ka wadaan deeganada ku dhowdhow halka uu weerarkan ka dhacay,waxaana xiran wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad.

Gaadiidka dadka rayidka ah iyo weliba dadka lugeynaya ayaa loo diiday inay maraan wadada laamiga ah ee isku xirta Muqdisho iyo Balcad.