Shirkii ka socday Matabaan oo lasoo xiray

أخبار الصومال

اليمن العربي



Ilo wareedyo iyo goojoogayaal ku sugan magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaa uu gaaray madaxa Xukuumadda Galmudug  Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno kale oo lasocda.

Madaxa Xukumadda maamulka Galmudug oo saaki ka soo kictamay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa si heer sara ah loogu soo dhaweeyay magaalada Matabaan ee gobolka Hiiraan.
Mr Maxamed Shaakir ayaa la sheegay in halkaa uu utagay sidii uu usoo gabagabeen lahaa shir maalmahan ka socday magaalada Matabaan  oo lagu heshiinayo beelo walaalo ah oo xurgufi ey dhawaan halkaa ku dhexmartay.

Colaadaas oo hadda laga gaaray xal sida ay Idaacada Kulmiye u sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka ku sugan magaalada Matabaan oo shirkaas heshiin siinta ah ka qeyb galayay.